Contact

Contact Form

Edit Template
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku guuleysatay in si ammaan ah loo karantiilo muwaadin Soomaaliyeed oo la xaqiijiyey inuu la soo safray qof u geeriyooday cudurka Ebola.

War-Saxaafadeed

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Caafimaadka oo ku Guuleysatay Karantiilidda Muwaadin Soomaaliyeed oo ka Soo Safray Dalka DRC Koongo, Lana Xaqiijiyey Inuu La Soo Safray Muwaadin u Geeriyooday Cudurka Ebola

Muqdisho, Soomaaliya – 12 Oktoobar 2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha ay khusayso, waxay dadweynaha ku wargelinaysaa in maanta oo Taariikhdu tahay 12 Oktoobar 2026, saacadduna markay ahayd 11:00 subaxnimo, si ammaan ah oo badqab leh loo karantiilay Muwaadin Soomaaliyeed, kasoo la xaqiijiyay inuu lasoo safray qof la hubiyay inuu u geeriyooday Cudurka Ebola.

Muwaadinka waxaa loo gudbiyey Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini, Muqdisho, si loo qiimeeyo xaaladdiisa caafimaad iyadoo la marayo habraacyada xijjinta cudurka Ebola.

Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) ayaa ogeysiin rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda fiidnimadii 10ka Oktoobar 2026. Ogeysiiskaa waxaa ku caddaa in muwaadin Soomaaliyeed iyo Muwaadin Kenyan ah ay ka soo wada safreen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyagoo soo maray Uganda. Sida xogta la soo gudbiyey tilmaamayso, labada muwaadin oo rag ah waxay wada degeen hal hoteel, kadibna wada raaceen hal gaari (Taxi) oo geeyay Garoonka Entebbe ee Dalka Uganda.

Labada Muwaadin ayaa ugu dambeyntii u kala safray Nairobi iyo Muqdisho. Muwaadinka Soomaaliyeed wuxuu Muqdisho u soo maray Addis Ababa, halka muwaadinka Kenyan-ka isna u safraya dalka Kenya, kadibna la xaqiijiyey in uu u geeriyooday Cudurka Ebola magaalada Nairobi 5ta Oktoobar 2026, isagoo daryeel caafimaad ka helaya xarun caafimaad ee Dalka Kenya.

Warbixinta Uganda nala wadaagtay waxaa ku caddaa magaca muwaadinka Soomaaliyeed, lambarka baasaboorkiisa, faahfaahinta duulimaadkiisa iyo lambarka kursigiiga Diyaaradda, si loo fududeeyo aqoonsigiisa iyo raadraaciisa. Xogtan waxaa si gaar ah ah u maamulay xubno loo idmaday baaritaanka iyo dabagalka xaaladaan.

Kadib kulan degdeg ah oo hoggaanka Wasaaraddu yeeshay subaxnimadii 11 Oktoobar, Wasaaradda Caafimaadka waxay Wasaaradda Amniga Gudaha ka codsatay in Hay’adda Socdaalku raadraacdo soo gelitaanka muwaadinka iyo halka uu kaga suganyahay Dalka. Fiidnimadii 11ka Ocotober, Hay’adda Socdaalku waxay xaqiijisay inuu 3 Oktoobar 2026 uu muwaadinka Soomaaliyeed ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo maray habraaca caadiga ah ee socdaalka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale arrinta ku wargelisay hoggaanka sare ee dalka iyo gudd oomiya ha Guddiga Qaran ee u Diyaar-garowga iyo Jawaab-celinta Ebola.

Baaritaan iyo raadraac wadajir ah oo socda ku dhowaad 24 saacadood, ayna iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka, Waaxda Dambi-baarista (CID), Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka(NIH), ayaa ku guuleystay in si badqab leh loo karantiilo muwaadinkii dabagalka lagu hayay, loona gudbiyo Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini, Muqdisho, halkaas oo xaaladdiisa Caafimaad lagu hubinayo.

Wasaaraddu waxay xarunta Forlanini Magaalada Muqdisho u astaysay maaraynta xaaladaha la xiriira Ebola, waxayna u qoondaysay nidaam u gaar xarunta Karantiilka. Kooxda caafimaadka ayaa go’aamin doonta tallaabooyinka xiga, iyadoo ku salaynaysa qiimeynta xaaladda muwaadinka iyo taariikhda xiriirkiisa. Waxaa sidoo kale socda xaqiijinta dhaq-dhaqaaqiisa iyo dadkii xiriirka la yeeshay tan iyo markii uu dalka soo galay.

Wasaaraddu waxay dadka xiriirka la yeeshay muwaadinka la karantiilay ugu baaqaysaa inay wacaan lambarka gaaban ee 995 ama farriin WhatsApp ah u diraan +252 61 022 4623, xitaa haddii ay dareemayaan caafimaad qab. Kooxda caafimaadka ayaa qiimeyn doonta xogto, go’aamin doonta dabagalka ama karantiilka ku habboon haddii loo baahdo. Xiriirka muwaadinka lala yeeshay keliya ma caddeynayo in qofku qaaday cudurka, balse qiimeynta iyo dabagalku waxay muhiim u yihiin ka-hortagga faafitaan suurtagal ah.

Wasaaraddu waxay dadweynaha ugu baaqaysaa inay is dejiyaan, lana shaqeeyaan kooxaha caafimaadka. Karantiilka muwaadinka waa tallaabo taxaddar iyo dabagal caafimaad; ma aha xaqiijin inuu qabo cudurka Ebola ama in cudurku ku dhex faafayo bulshada Soomaaliyeed.

Dadweynaha waxaa laga codsanayaa inay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin, magacyo iyo sawirro been abuur ah, iyo takoorka muwaadinka iyo qoyskiisa. Wasaaraddu waxay dadweynaha la wadaagi doontaa xogta cusub marka la xaqiijiyo.

Shaqaalaha caafimaadka Xuduudaha iyo xarumaha guddaha waxaa la farayaa inay muujiyaan feejignaan, ayna ku shaqeeyaan habraacyada caafimaadka ee qudbinta xogta loo dejiyey, ayna ilaaliyaan tallaabooyinka ka-hortagga iyo xakamaynta caabuqa iyo sirta bukaanka.

Dadweynaha waxaa lagu boorrinayaa inay xogta saxda ah ka helaan baraha rasmiga ah ee Wasaaradda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Xiriirka warbaahinta: [email protected] | [email protected]

Number-ka Gabaan: 995 ama farriin WhatsApp ah u diran +252 61 022 4623,

– DHAMMAAD –

Fiiro gaar ah: Qoraalka waxaa loo rogay qoraal la akhrin karo iyadoo la raacayo labada sawir. Qaar ka mid ah erayada iyo higgaadda, gaar ahaan bogga 1, waxaa laga yaabaa inay u baahan yihiin sixid maadaama sawirku aanu si buuxda u caddayn.

Previous Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Subscription Form Footer

© Coppyright 2026 –  ABDIPORTAL.